Synopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodes
-
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Jimce 10 April 2026
10/04/2026 Duration: 10minWarkii ugu dambeeyey ee Australia iyo caalamka ee Jimce 10 April 2026
-
Somalia News: Warka Soomaaliya ee Jimce 10 April
10/04/2026 Duration: 11minCiidanka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibbadooda ayaa la sheegay inay duqaymo cirka ah u geysteen dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa koonfurta Mudug. Odayaaasha Gedo-buuri Bari-na waxay sheegeen inay qaateen nabad shuruud la'aan ah oo ay hoggaaminayso xukuumadda Somaliland, iyo ciidamo tababar loogu xidhay Puntland.
-
Waraysi: Ubah Garbis - Xafladda Ciidul-fitr ee Grandville - Sydney
09/04/2026 Duration: 10minUbah Gabris oo ah guddoomiyaha Somali Council of NSW ayaa nooga warrantay xaflad loo dhigi doono munaasabadda Ciidul-fitri oo Axadda 12-ka April ka dhici doonta Grandville Town Hall - Sydney.
-
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga 9 April 2026
09/04/2026 Duration: 05minRa'iisal-wasaare Anthony Albanese ayaa Israel ugu baaqay inay joojiso duqaymaha ay ka waddo Lubnaan. Donald Trump-na wuxuu ku gooddiyey inuu dalalka Iran ka iibiya hubka badeecadahooda kusoo rogi doono cashuur dheeraad ah.
-
Khatarta Peptides-ka: Marka ay talada baraha bulshadu ka awood badato tan dhakhtarka iyo khatarteeda.
09/04/2026 Duration: 11minWaaba laga yaabaa inaad maqashay "Peptides", waana maaddooyin laysku duro oo ay dadka qaar rumaysan yihiin inay si degdeg ah u gubaan baruurta, ka hortagaan gabowga, ama hagaajiyaan midabka iyo quruxda maqaarka. Khubarada caafimaadkuse waxay ka digayaan khatar ku duugan. Wax ka ogow.
-
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Arbaco 8 April 2026
08/04/2026 Duration: 12minWararka maanta waxaa ka mid ah Maraykanka iyo Iiran oo aqbalay xabbad-joojin 14 maalmood ah oo ay Pakistan dhexdhexaadisey.
-
#107 Protecting Wildlife | Talking about animals and nature (Med) - Learn English ep107: Baro Ingriisi - Ilaalinta duur-joogta iyo ka hadalka xayawaanka iyo dabeecadda
08/04/2026 Duration: 10minLearn useful English for talking about animals, nature, and protecting wildlife. Practise everyday phrases for discussing threats to animals, expressing concern, and describing the environment. - Baro luqadda Ingiriisiga ee waxtarka u leh ka hadalka xayawaanka, dabeecadda, iyo badbaadinta duur-joogta. KU tabobaro weedhaha maalinlaha ah ee loo isticmaalo ka doodista khataraha soo food saara xayawaanka, muujinta walaaca, iyo sharraxaadda deegaanka.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya Arbaco 8 April 2026
08/04/2026 Duration: 10minHalkan ka dhegeyso warkii ugu dabmeeyey ee Soomaaliya - Arbaco 8 April 2026
-
“Jirka haweenka yaan loo isticmaalin dagaalka" – Digniin ka soo baxday Medecines Sans Frontieres (MSF0
07/04/2026 Duration: 10minGudaha dalka Suudaan ayaa kufsiga loo isticmaalayaa sidii "hub dagaal oo kale. Haweenka iyo gabdhaha ka baxsanaya colaadda ayaa ka sheekaynaya kufsi kooxeed iyo jirdil loo geystey intii ay qaxayeen oo ay isku dayayeen inay gaaraan meel nabad ah. Sidaana waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saareen hay'adda MSF.
-
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Talaado 7 April 206
07/04/2026 Duration: 05minAustralia iyo Iiraan oo labaduba ka jawaabey hadalkii madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, iyo tallaalka hargebka oo carruurta sanka laga siinayo sannadkan ayaa ka mid ah wararka maanta.
-
Khubarada: Shirkadaha baraha bulshada waa in la saaro cadaadis
06/04/2026 Duration: 07minGuddiga badbaadada internetka ee Australia ayaa bishan gudeheeda ku hanjabay inay maxkamad soo taagi doonaan shirkadaha baraha bulshada, ka dib markii ay iska indha-tireen sharciga baraha bulshada ka mamnuucaya carruurta ka yar 16-ka sano. Guddigu ayaa baaraya qaar ka mid ah baraha ugu waaweyn adduunka, sida Instagram iyo Facebook oo ay leedahay shirkadda Meta, iyo sidoo kale YouTube, Snapchat, iyo TikTok.
-
Australia’s unique wildlife: what makes it special and what’s at risk - Australia Explained: Noolaha u gaarka ah Australia - Maxay u gaar yihiin, maxaase halis ku haya?
06/04/2026 Duration: 13minAustralia is one of the most biodiverse places on Earth, home to wildlife and plant species found nowhere else on the planet. In this episode of Australia Explained you’ll learn about what makes Australia’s biodiversity so special, the threats it faces and how we can all help protect it. - Australia waa mid ka mid ah meelaha ugu qanisan dunida marka laga hadlayo dhanka noolaha (biodiversity), waxaana ku nool duur-joog iyo dhir aan meel kale laga helin. Qaybtan barnaamijka Australia Explained, waxaad ku baran doontaa, waxa noolaha Australia ka dhigaya kuwo gaar u ah qaaraddan, khataraha soo food saaray, iyo sida aynu dhammaanteen gacan uga geysan karno badbaadintooda.
-
Xilligii hargabka oo horey u bilowday: Khubarada oo ka digaysa khatarta nooca cusub ee Super-K
06/04/2026 Duration: 07minAustralia ayaa sanadkan wajaheysaa xilligii hargabka oo si aan caadi ahayn hore ugu bilaabmay, waxaana sabab u ah nooc hargabka ka mid ah oo si degdeg ah u faafa oo loo bixiyay Super-K.Sanadkii hore, Australia waxaa laga helay in ka badan 500,000 oo kiis, halka sanadkan ay durba hadda marayaan in ka badan 24,000 oo kiis
-
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga SBS 3 April 2026
03/04/2026 Duration: 09minHalkan ka dhegeyso warkii Jimcaha ugu dambeeyey ee Australia iyo caalamka
-
Somali News: Warka Soomaaliya Jimce 3 April 2026
03/04/2026 Duration: 12minXildhibaannadii cusbaa ee G. Benaadir oo la dhaariyey. Galmudug oo ku dhawaaqday doorasho qof iyo cod ah iyo wararkii Baydhabo.
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga 2 April 2026
02/04/2026 Duration: 05minHalkan ka dhegesyo warkii maanta ee Australia iyo caalamka
-
Eeygu ma saaxiibka ugu daacadsan ee Bini-aadamkaa? Maxay ka tiri Cilmi-baarista Cusubi?
01/04/2026 Duration: 04minCilmi-baarayaal baadhay hiddo-side aad u da' weyn oo Eey , ayaa ogaaday inay dadka la noolaayeen qiyaastii 16,000 oo sano ka hor, waqtigaas oo aad uga horreeyay intii aan la bilaabin beerashada iyo dhismaha magaalooyinka.
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga Arbaco 1 April 2026
01/04/2026 Duration: 09minWarka maanta waxaa ka mid ah: Raqiisinta shidaalka oo laga yaabo inay dhaqan gasho horraanta toddobaadka dambe iyo NASA oo fasaxday dayax-gacmeed bani-aadam saaran yahay oo kusoo wareegi doona dayaxa
-
Somalia News: Warka Soomaaliya ee Arbaca 1 April 2026
01/04/2026 Duration: 11minWarka Soomaaliya maanta wuxuu ku saabsan yahay is-beddelkii ka dhacay dowlad-goboleed Koonfur Galbeed ee Soomaalia iyo madaxweynaha Puntland Saciid Abdillahi Deni oo sameeyey isku-shaandheyn wasiirro.
-
Dayaxa oo dib loogu noqonayo: Maxaa isbeddeley 50 sano ka dib?
31/03/2026 Duration: 09minBini-Aadamka ayaa markii ugu horreysay tan iyo sannadihii 1970-yadii dib ugu laabanaya Dayaxa. Afar xubnood oo duuliyeyaal ah ayaa muddo ka badan labo sano u tababaranayay, hawlgal qaadan doona ku dhowaad 10 maalmood, kaas oo dayax-gacmeed loogu diri doono hawada. Dayax gacmeedka ayaa isagoo xawaare dheereeya ku socda kusoo wareegi doona dayaxa , ka dibna ugu soo laaban doona dhulka.