Synopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodes
-
Qarammada midoobey oo ka digey miinooyinka dhulka iyo dalal ka baxaya heshiiskii
31/03/2026 Duration: 05minEthiopia, oo ku jirtey xaalad dagaal in ka badan soddon sannadood qarnigii u dambeeyay, ayaa ka mid ah waddamada ay adduunka ugu badan yihiin haraaga miinooyinka dhulka lagu aaso.
-
SBS News Somali: Warka Talaado 31 March 2026
31/03/2026 Duration: 04minHalkan ka dhegeyso qodobbadii ugu door roonaa ee warka Australia iyo caalamka.
-
Digniino ku saabsan cawaaqib-xumo aan loogal talagalin oo ka dhalan karta xayiraadda socdaalayaasha Iiraan
30/03/2026 Duration: 08minAustralia ayaa xannibaad lix bilood ah ku soo rogtay muwaadiniinta Iiraan ee haysta fiisaha booqashada. Khubarada ayaa ka digaya in tallaabadani ay tusaale xun u noqon karto nidaamka socdaalka Australia, gaar ahaan xilliyada ay dhacaan iskahorimaadyada caalamiga ah.
-
SBS News Somali: Warka Isniin 30 March 2026
30/03/2026 Duration: 05minWarka maanta oo Isniin ah waxaa ka mid ah: Ninkii baxsadka ahaa ee horey loogu eedeeyey dilkii labo askari oo booliiska Victoria ka tirsan, Dezi Freeman, oo saaka booliisku toogasho ku dileen.
-
SBS Somali Program Friday: Barnaamijkii Jimce 27 March 2026 oo dhammaystiran
29/03/2026 Duration: 52minHalkan ka dhegeyso barnaamijkii Jimce 27 March 2026 oo dhammaystiran. Ma laha xayaysiis iyo muusig.
-
SBS News Somali: Warka Jimcaha 27 March 2026
27/03/2026 Duration: 09minHalkan ka dhegeyso wararkii ugu dambeeyey ee Australia iyo caalamkaba.
-
Somalia News: Warkii Soomaaliya Jimce 27 March 2026
27/03/2026 Duration: 08minHalkan ka dhegeyso: Warkii Soomaaliya ee Jimce 27 March 2026
-
Masiibada tamarta ee innagu soo dhow iyo dhibaatada ba'an ee ay horseedayso
26/03/2026 Duration: 09minHay’adda Tamarta Caalamiga ah (IEA) ayaa ka digaysa qoto-dheeraanta dhibaatada tamarta ee soo fool leh, xilli uu sii xoogaysanayo dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.
-
Diiwaanka kuleylka oo jabay iyo cimilo ba'an: Khubaro qaylo-dhaan ka soo saaray xaaladda aduunka
26/03/2026 Duration: 10minWaxaa adduunka hadda soo martay, 11-kii sano ee ugu kululaa ee abid la diiwaan geliyo. Warbixin cusub oo ku saabsan cimilada ayaa ka digaysa, in adduunka aynu ku noollahay sii kululaanayo. Maxayse uga dhigan tahay reer Australia?
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga Khamiis 26 March 2206
26/03/2026 Duration: 04minWarka maanta waxaa ka mid ah, xildhibaan Barnaby Joice oo ka tirsan xisbiga One Nation oo dowladda usoo jeediyey inay shidaalka qoondeyso iyo qodobbo kale.
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga Arbaco 25 March 2026
25/03/2026 Duration: 12minHalkan ka dhegeyso wararkii ugu dambeeyey ee Australia iyo caalamka ee Arabaco 25 March 2026.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya Arbaco 25 March 2026
24/03/2026 Duration: 09minHalkan ka dhegeyso warkii Soomaaliya oo ku saabsan waan-waan laga dhex wado dhinacyada iska soo hor-jeeda ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Siyaasiyiin iyo dowladda dhexe.
-
Sida uu dagaalka Bariga Dhexe u dhalinayo walaac ku saabsan ammaanka cuntada
24/03/2026 Duration: 09minDagaalku wuxuu si xun u carqaladeeyey qulqulkii bacriminta (fertiliser) ee ka imaan jiray Bariga Dhexe, taas oo dhalisay walaac ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto wax-soo-saarka iyo sugnaanta cuntada gudaha ee Australia.
-
Xisbiga One Nation oo kursigii ugu horreeyey ka helay aqalka hoose ee South Australia
24/03/2026 Duration: 07minDoorashadii dhowaan ka dhacday gobolka South Australia ayaa dhalisay dhibaato siyaasadeed oo heer federaal ah, ka dib markii uu xisbiga One Nation ka fara-maroojiyey xisbiga Liberal-ka, booskii mucaaradka rasmiga ah. Tani waa guushii ugu weynayd ee uu xisbigaasi gaaro muddo ku dhow 30 sano
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga Talaado 24 March 2026
24/03/2026 Duration: 05minAustralia iyo Midowga Yurub oo kala saxeexday heshiish dhinanyo badan. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo sheegay inay wada-hadallo u socdaan Iran, iyo Iran oo beenisay.
-
Have you considered a career in translating and interpreting? - Australia Explained: Kaalinta Turjumaanka: Shaqo iyo Adeeg Bulsho
23/03/2026 Duration: 12minHave you ever considered using your bilingual skills to assist others? A career in translating and interpreting might be for you. In Australia you can train for a TAFE certificate all the way to Master’s degree prior to getting certified. In this episode we help you navigate the pathway to becoming a qualified practitioner. - Marna ma is tiri xirfaddaada labada luuqadood (Bilingual) waxaad ugu adeegi kartaa bulshada? Hadday jawaabtu tahay haa, shaqada turjumaadda qoraalka (Translating) iyo midda hadalka (Interpreting) ayaa kuu furan. Warbixintan waxaanu kuugu tilmaamaynaa dhabbada saxda ah ee aad u mari karto si aad u noqoto turjumaan diwaan gashan.
-
Rhoda Roberts AO: Halgamaagii dhaqanka ee beddeshay ummadda
23/03/2026 Duration: 10minMaamuus iyo ammaan baa loo jeediey. Rhoda waxay ahayd qoraa, jilaa, iyo agaasime caan ah, waxaana sannadkii 2016-kii la guddoonsiiyey billadda sharafta Order of Australia. Qoyska Rhoda ayaa u oggolaaday SBS inay baahiso sawirradeeda iyo codkeeda si loo maamuuso dhaxalka fog ee ay ka tagtay.
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga Isniin 23 March 2026
23/03/2026 Duration: 05minWarka maanta waxaa ka mid ah: Dowladda New South Wales oo sheegay inay dadka kiraystayaasha ah u howl yaraysay inay dib ula soo noqdaan deebaajiga guryaha ama ay u wareejiyaan guri ay kiraysanayaan.
-
Sababta uu Donald Trump u rabo inuu 'qabsado Cuba' ma talo-xumaa?
22/03/2026 Duration: 14minMadaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay qorshe uu "kula wareegayo" dalka Cuba. Damacan ayaa yimid xilli ay sii xumaanayso dhibaatada bini'aadantinimo iyo tan tamarta ee dalka Cuba.
-
Somali Program Full: Barnaamijka Af-Soomaaliga Jimce 20 March 2026
22/03/2026 Duration: 56minHalkan ka dhegeyso barnaamijkii Jimcaha oo dhammaystiran. Ka hel warar iyo faallooyin faa'iido leh.