Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

  • Author: Vários
  • Narrator: Vários
  • Publisher: Podcast
  • Duration: 44:59:20
  • More information

Informações:

Synopsis

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episodes

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    28/07/2022 Duration: 03min

    Koboca dhaqaalaha Swiidhan oo intii hore ka soo yara hagaagaya. Baaskilada korntada ee Sparkcykel oo laga mamnuucayo jidadka iyo wadooyinka lagu socdo. Wiilkii 18 jirka ahaa ee loo heeystay dilkii labbo macalin oo wax ka dhigi jiray dugsiga Malmö Latin oo la sii gabo gabeeyey.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    27/07/2022 Duration: 03min

    Cabbir lagu sameeyey biyaha bulaacadaha ee magaalada Göteborg oo muujiyay heer sarreeya oo caabuqa Corona ah. Wasiirka difaaca Iswiidhen oo sheegay inaanu waxba ka qabin in la soo rogo canshuur lagu maalgeliyo adkeeynta dhismaha difaaca. Guul darraddii xalay qabsatay gabdhaha kubbaada cagta Iswiidhan oo fal celin abuurtay.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    26/07/2022 Duration: 03min

    Maxkamada Malmö oo ay ka socoto dhageysiga dacwadda wiil 18 jir ah oo lagu tuhunsan yahay dilkii labo macallin oo lagu dilay dugsiga sare ee Malmö Latin. Tallaalkii ugu horreeyey ee fin-daanyeerka ayaa la geeyey gobolka Dalarna. Siyaasiyad iyo qoraaga caanka Marit Paulsen oo geeriyootay,

  • Maanta iyo wararka Radio Sweden

    25/07/2022 Duration: 03min

    Muwaadiniinta dibada ku dhaqan oo muddo laba bilood kadib lumin doona gunnada dammaanadda howlgabka ee (garantipension). 2 sanno ka dib oo dalxiiska galbeedka Iswiidhan soo iftiimayo. Hakad ku yimid tareenadda shirkadda MTR.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    22/07/2022 Duration: 02min

    Maxkamadda Linköping oo xukun xabsi ah ku riday saddex nin oo lagu soo oogey dembiyo. Xulka kubada cagta gabdhaha Iswiidhan oo caawa Beljim wajahaya. Iyo nin dhalinyaro ah oo Malmö lagu dilay.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    21/07/2022 Duration: 02min

    Shaqaalaha degmadda Skellefteå oo hannjabaado iyo weeraro loo geeysto kadib fal dambi oo halkaasika dhacay labo usbuuc ka hor. Gabdhaha Iswiidhan iyo Beljim oo berito wada ciyaaraya. Ciidanka ammaanka oo dadka ku dhaqan waqooyiga Iswiidhen uga digaya lacag waraaqeed shan boqol oo been abuur ah.

  • Maanta iyo wararkii radio Sweden

    20/07/2022 Duration: 02min

    Kuleyl xun oo Sweden ku soo fool leh iyo waayeelada oo nugul. Tirada kiisaska Covid 19 oo kor u kacay gobolka Stockholm. Iyo nin meydkiisa laga helay degmada Botkyrka ee Stockholm.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    19/07/2022 Duration: 02min

    Nin 44 jir ah oo loo heystay dilkii Malin Lindström ayaa lagu xukumay 5-sano oo xarig ah. Rakaab kala duwan oo dhaweeyey in la soo af jaray xiisadii u dhaxeeysay SAS iyo duuliyeyaasha diyaaradaha. Siyaasiga garabka midig ee Rasmus Paludan oo ka baaqday goobihii quraanka ku gubi lahaa xaafadaha Göteborg.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    18/07/2022 Duration: 03min

    1da Ogoosto oo ay meesha ka baxayaan sharcigii ahaa in la ganaaxo dadka iibsada galmada laguna badali doono xabsi. Xiisadda SAS oo weli ay socdaan wada xaajood u dhaxeeya shirkadaasi iyo Ururka duuliyeyaasha. Qaylo-dhaanta SOS oo cilad weyn ku dhacday habeenimaddi xalay.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    15/07/2022 Duration: 03min

    Sverigedemokraterna ka hadlay warbixinta laga qoray buugga loogu magac daray "Buugga cad" ee ka hadlaya sooyaalka buddhistayaasha xisbigga. Cilmi baarayaal helay cilada keenta in raggu wadno xanuun u dhintaan. Nin Malmö degan oo la xukumay, kadib markii galmo dhanka internetka ugu geeystay caruur ka soo kala jeedda dalal kala duwan.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    14/07/2022 Duration: 03min

    Xarrunta baasabooradda ee Malmö oo ay yaallaantobaneeyo kun oo baasaboor kuwaas oo dadkii lahaa aysan soo doonan. Gabdhaha kubada cagta Sweden oo xalay ku badiyey 2:1. Xubnaha Nato oo hadda ku baratamaya sideey u ansixin lahaayeen xubinnimadda Iswiidhen iyo Finland ee Nato.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    13/07/2022 Duration: 02min

    Wiil da'diisu ka yar tahay 15-jir oo looga shakisan yahay inuu isku dayay inuu dilo gabar sagaal jir ah oo ku nool Skellefteå. Xulalka kubadda cagta gabdhaha Iswiidhan iyo Iswiiserlaand oo caawa lixda makhribnimo wada ciyaari doono, ciyaartan ayaa ah mid xiiso gooni leh. Iyo qiimaha shidaalka oo hoos u dhac yar ku yimid,

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    12/07/2022 Duration: 03min

    Berrito oo ay dib u furmayaan wada xaajoodkii u dhaxeeyay shirkadda diyaaradaha SAS iyo ururka duuliyayaasha. Qareeno yaal hore oo la baxay Boqorka iyo Amiirka ayaa maxkamadda degmada Södertörn ku xukumay lix sanno iyo afar sanno oo xarig ah. Siyaasi hore uga tirsanaan jiray xisbiga Sverigedemokraterna oo degan Nyköping oo 16 sanno lagu xukumay.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    11/07/2022 Duration: 03min

    Baayac mushtaro badan ayaa la kulma dhibaateyn loo geeysto sida lagu sheegay tiro koobkii ugu dambeeyey ee la soo saaray. Shaqa joojintii duuliyeyaasha shirkadda SAS oo weli halkeedii ka sii socda taas oo maalintii uga kaceeysa 150 milyan oo kr, sida uu sheegay agaasimmaha guud ee shirkadda SAS. Illaa 380,000 oo ardayda Sweden ayaa la filayaa iney helaan jawaabta gelitaanka jaamacadaha iyo kulliyadaha ka hor intaan la gaarin sannad dugsiyeedka dayrta., balse ay heeysato guryo yari.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    08/07/2022 Duration: 03min

    Ninkii lagu heystay dilkii Ing- Marie Wieselgren oo lagu dilay Visby, oo rummaanka lagu sii hayn doono. Waxaa aad u soo badanaya xiisaha ay dadku u qabaan in ay tareenka dheereeya ku dhacaan ay deetana Yurubta kale u socdaalaan iyo nin 33 jir ah oo lagu xukumey xabsi 7.5 sanno oo xarig ah ka dib markii uu kufsi daran u geeystay waayello lagu hayo guryaha dhmirbeelka oo ku yaalla galbeedka Sweden.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    07/07/2022 Duration: 03min

    Booliska ayaa weli ku howlan baaritaanka la xirriira weerarkii mindida ee shalay ka dhacay Visby. Dhaqaalaha Iswiidhan oo kor u kacay markale 4.5 boqolkiiba. Iyo tiradda ardayda dugsiyadda sare ee lagala noqday deeqda waxbarasho ee Studiebidrag-ga oo kordhay markay iskuulka u jarjaraan.

  • Wararka maanta iyo Radio Iswiidhen

    06/07/2022 Duration: 02min

    Xildhbaanno ka tirsan xisbigga Vänsterpartiet oo ka qeyb qaadanayey toddobaadka Almadalen ayaa doortay in ay surtaan calanka ururuka PKK. Koobka Kubadda Cagta Haweenka ee Yurub oo bilaabanaya caawa. Iyo Muwaadin Iswiidhish ah oo saxaafadda Ruushku sheegtay in lagu qabtay Mariopol. Ninkan iswiidhishka ayaan la shaacin magaciisa mana jirto wax xaqiijin ah oo ka soo baxay maamulka oo ninkan ku saabsan.

  • Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    05/07/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Horyaallada kubadda cagta haweenka ee qaramada Yurub ayaa bilaabanaya Arbacada, Kooxda mataleysa Iswiidhen ayaa ciyaarteeda ugu horreysa la ciyaari doonta Netherlands 9-ka Luulyo oo ku aaddan maalinta sabtida.Ra'isul wasaaraha Iswiidhen Magdalena Andersson ayaa maanta booqasho qarsoodi ah ugu safartay dalka Ukraine, waxayna booqatay magaalooyinka Butja iyo Borodyanka, oo labaduba ay dagaalladu si xun u saameeyeen. Iyo warar kale.

  • Warka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    04/07/2022 Duration: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Waxa soo if-baxay warka sheegaya in shaqo joojinta duuliyayaasha ee SAS ay bilaabantay maanta ka dib markii shirkadda SAS iyo ururrada duuliyayaasha ay heshiis gaari waayeen.Qiimaha Batroolka iyo Naaftada labadaba ayaa sare u kacay oo la kordhiyey maanta oo Isniin ah.Xisibga Moderaterna ayaa doonaya in la joojiyo canshuur kordhinta Iswiidhan mustaqbalka soo socda.

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    01/07/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Laga bilaabo Jimcaha maanta ee 1-da luulyo, waxaa mar kale la soo celiyay dhaqaalaha ardeydu uga qaadan karaan hayadda CSN dayn iyo deeqbaFaafida covid-19 ayaa hadda ku soo badanaysa dalka oo dhan, sidaas darteed gobolka Värmland waxa uu soo bandhigayaa talooyin cusub oo ku saabsan caafimaadka iyo daryeelka. iyo warar kale

page 42 from 50