Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodes
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
26/08/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Waxaa mar kale caadi noqotay in siyaasiyiintu ay albbaabada garaacaan inta lagu jiro ololaha doorashada. Toogashadii 47-aad ee sannadka oo geeri horseedda ayaa makhribnimadii khamiistii xalay ka dhacday faras-magaalada xaafadda Haninge.Shirkadda diyaaradaha ee SAS ayaa khasaartay 1.9 biyan oo koron intii u dhexeeysay May illaa Julay.
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
25/08/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Shakhsigii 46-aad ayaa inta sannadkan lagu jirey toogasho xalay lagu dilay magaalada Helsingborg. Waa tiro ka badan intii qof ee toogashada lagu diley guud ahaan sannadkii tagay 2021-kii. Tiro ka badan intii hore ayaa heli doona tallaalka cudurka uu keeno fayruska "fin-daayeerka", sida ay boggeeda internet-ka ku qortay hayadda caafimaadka bulshadu. Iyo xisbiga Moderaterna oo soo jeediyay ballaan qaad doorasho inuu dhimi doo tirada soo galootiga.
-
Wararkii Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
24/08/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wiilkii 15 jirka ahaa ee toogashadda ka geeyestey xarun laga dukaameysto ee ku tiilay magaaladda Malmö, ayay hooyadii dhowr jeer qeylo-dhaan gaarsiisay hay'addaha adeega bulshada iyo ciidanka booliiska si la mid ah, sidii ay sameysay hooyada wiilkii 17-jirka ahaa ee toogashada ku dilay askarigii booliiska magaalada Göteborg bishii luulyo 2021 Qiyaas gaarsiisan 50 boqolkiiba falalka toogashooyinka ee ka dhaca deegaan-dambiyeedka gaangiska ayuu xukun ku dhacaa marka maxkamadda la hor geeyo, sida ay ku soo warrantay laanta Uppdrag granskning ee idaacadda SVT oo baaris ku sameeysay 900 oo dacwadood oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey iyo iskuul laga xiray kushinkii cuntada loogu karin jirey oo noqotay goob jiir ku noole ah.
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
23/08/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ururka ganacsiga Iswiidhen oo ka digey in sicirbararka heerkiisu sareyo uu sii socon kari doono muddo dheer dayrta iyo sannadka soo socda 2023. Garoonka Landvetter ayaa yeeshay daahiddii duulimaadyada ee ugu badnaa marka loo barbardhigo dhammaan garoommada ugu waaweyn.Waxaa Hadda kordhaya tiradda guryaha iibka ah, marka loo eego tirokoobyada cusub ee Ekot ay aragtay.
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
22/08/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xisbiga Socialdemokraterna ayaa ballanqaaday in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan kooxaha gaangiska ah iyo inuu doonayo in tusaale ahaan loo fududeeyo in baabuur qaali ah lagala wareegi karo kooxahaa. Iswiidhen ayaa billadda maarta ku qaadatay horyaalka adduunka ee dhallinyarada xeegada barafka ee adduunka ka dib markii ay 3-1 kaga badisay kooxda Czech Republic. Telefonnada gacanta (Mobilka ) ayaa laga mamnuucay isticmaalkiisa aradada Iskuulladda dalka Iswiidhen.
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
19/08/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ururka Transparency International Iswiidhen la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa dalbanaya in dib u eegis lagu sameeyo sharciga warbixinta lacagaha xisbiyada loogu deeqo. Maxkamadda degmada ee Attunda ayaa laba nin ku xukuntay maanta dacwad la xiriirtay iney rabeen 168 malyan oo koron iney dalka dibadda uga saaraan, nimankan ayaa iska dheereeyey iney wax dembi ah galeen, laguna qabtay garoonka dayuurradah ee Arlanda. Hayadda saadaalinta hawada oo ka digeeysa roobab xooggan iyo dabeylo.
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
18/08/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Iswiidhen oo u soo baxday ciyaarta semi-finalka ee tartanka adduunka xeegada barafka ee dhallinyarada. Tiro ka yar oo ilmo ah ayaa ku dhashay Iswiidhen. Halka lixdii bilood ee sannadka ugu horreeyey ey dhasheen dhallaan tiradoodu gaarsiisan tahay 54 560. Laga bilaabo khamiista maanta ayay iswiidhishka dalka dibaddiisa ku dhaqan codadkooda ka dhiiban karaan safaarradaha iyo qunsuliyadaha uu dalkani ku leeyahey dibadda,
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
17/08/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Shabakadda wararka ee Radiyaha Iswiidhen oo laga xayiray internet-ka dalka Ruushka. Nawaaxiga Järva ayaanay ka dhicin toogasho sababtay dil wixii ka dambeeyay bishii jannaayo ee sannadkan. Magaaladda Malmö iyo guud ahaan dalka oo shaqo la'aantu aad u sareyso, taas oo qeyb ka noqoneysa agendayaasha doodda ee ololaha.
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
16/08/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Haweeney soddomeeyo jir ah oo lagu toogtay gaari taraam ah gudaha Majorna ee magaalada Göteborg. Madaxa xukuumadda Iswiidhen ayaa Magdalena Andersson (S) ayaa soo dhoweeysay taageerada ay ka heshay hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie Lööf. nink qirtay inuu galay falargagixisnimo.
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
15/08/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ciidanka booliiska ee magaalada Stockholm ayaa gacanta ku dhigey nin looga shakisanyahay in uu riday rasaas lala beegsaday roondo ciidanka booliska ka tirsan mar ay xalay ku sugnaayeen xaafada Rinkby ee dhacda woqooyi galbeed ee Stockholm. Hoowlihii uu ciidanka ammaanku ku ilaalinayay ololihiisii doorashada ee siyaasiga xagjirka ee daanishka-iswiidhishka Rasmus Paludan iyo rabshadihii goobahaasi ka dhacay ayay ciidanka ammaanka kaga baxday miisaaniyad gaarsiisan 43,5 malyan oo koron iyo warar kale
-
Warka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
12/08/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Musharaxiin dhowr ah oo ka tirsan xisbiga Nyans, xisabigaasina oo iska bixiya sawir inuu u doodayo xuquuqda dadka laga tirada badan yahahy iyo ka hortagga cunsuriyadda, ayaa faafiyay nacayb ka dhan ah Muslimiinta Shiicada iyo Yuhuuda, sida ey qoreen wargeysyada HD/Sydsvenskan, iyo hay'adda qaan ururinta Iswiidhen(Kronofongden ) ayaa wixii ka dambeeyay kowdii bisha Agoosto sannadkaan awood u haysata in ay qaan lawareegto ogaan iyada oo ka kaashaneysa ciidanka Booliiska.
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
11/08/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dowladda Iswiidhen ayaa nin 35 jir ah u gacan gelinaysa xukuumadda Turkiga, sida ay dowladdu u xaqiijisay laanta idaacada Ekot. Qiimaha korontada oo aad u sarreeysa ayuu xisbiga Vänsterpartiet uu hadda soo jeediyay fikir cusub oo la micno ah in sidii qiimaha hoos loogu dhigi lahaa dalka gudihiisa, halka korontada la dhoofiyo ay tahay in lagu sii iibiyo qiimaha suuqa, iyo wakhtigii sugitaanka baarsaboorrada cusub oo la fileyo inuu caadiyan ku soo noqdo bilaha oktoobar - noveembar.
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
10/08/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Madaxweynaha Yukreyn Volodymyr Zelenskyy ayaa war uu jeediyay ku dalbanaday in muwaadiniinta Ruushka laga joojiyo u safridda wadammada reer Galbeedka iyo Dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 2.6 ayaa ka dhacay habeennimadii xalay, magaalada Kramfors ee waqooyiga magaalada Lungvik ee dalka Iswiidhen iyo warar kale.
-
Wararkii maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
08/08/2022 Duration: 02minTreemmada ka socdaala Gävle oo shan maalmood xirnaan doona dayactir daraatiid. Welwelka laga qaado marka shaqada dib loogu noqoneyo fasaxa kuleeylaha dabadii iyo yeey xoolo leysey.
-
Maanta iyo wararkii radio Sweden
05/08/2022 Duration: 03minTobbankii qofba mid ee dalbaday baasaboor cusub ayaa ka baaqsada ballantii loo qabtay. Dabeeyllo iyo roobab ku dhiftay Waqooyi-galbeed ee Götaland iyo Svealand oo sababay in tareemmadii isaga gooshi jirey Göteborg iyo Istockholm hakado. Eedeysanihii loo heeystay dilkii Ing-Marie Wieselgren oo lagu dilay Visby oo la sheegay in uu qabo xanuun maskaxeed halis ah.
-
Maanta iyo wararka radio Sweden
04/08/2022 Duration: 02minDawladda oo malaayiin canshuur ah ka hesha sicir bararka haatan socda. Tan iyo sanadii 2015-kii markii gudniinka gabdhaha lagu sifeeyey dembi adag lana soo saaray qodob sharci mamnuucaya, ayaa booliska gobolka Stockholm ey soo gaareen 50 kiis oo looga shakisan yahay gudniinka. Hay'adda Saadasha cimiladda ee SMHI oo soo saartay digniin la xirriira dabeeyllo roobab wata oo ku soo Götaland iyo Svea.
-
Maanta iyo wararka radio Sweden
03/08/2022 Duration: 03minXisbigga Liberalerna oo taageero ku helay hindisaha ah in hayadda kormeerka Iskuullada la siiyo awood ay ku joojin karto faa'iido qaybsiga dugsiyada madaxbannaan ee aan howlahooda si sax ah u maareyn. Heerka dulsaarka oo sara u kac ku yimid oo saameyn ku yeeshay CSN-ta iyo qoddobo kale.
-
Maanta iyo wararka radio Sweden
02/08/2022 Duration: 03minTirada dadka Norway ee u safra Iswiidhan si ay uga soo dukaameystaan oo hoos u ku yimid. Xarrumaha daryeelka ee Stockholm oo saaran caddaasi xoogan oo la xirriira Covid 19. Markii ugu horeysay muddo shan bilood ah, oo litirkii bansiinka ah ka hoos maray 20 kr.
-
Maanta iyo wararka radio Sweden
01/08/2022 Duration: 02minDilalka toogashada oo kordhay xilli boolis dheeraad ah oo gobolada laga keenay ka howl galayaan xaafadaha Stockholm. Xafladii kooxaha isku jinsiga ah oo maanta bilaabatay, iyo badhigga Järva filmfestival oo Stockholm ka bilaabaneeysa.
-
Maanta iyo wararka radio Sweden
29/07/2022 Duration: 03minBoqolaal shaqo oo cusub ayaa ka bannaan hoteellada iyo maqaayadaha Göteborg, xilli boqolaal qof Göteborg ay ka raadsanayaan shaqo maqaayadaha iyo hoteellada. Dawladda oo doonaysaa in la yareeyeo xadka da'da lagu beddelka jinsiga ee diwaanka dadweynaha. 85 qof oo qaaday fin daanyeerka oo Iswiidhan laga helay Iswiidhen.